Wehelka Muslimka
ISBN: 978-19-12-41173-3
Format: 15.2x22.9cm
Liczba stron: 112
Oprawa: Miękka
Wydanie: 2024 r.
Język: polski
Dostępność: dostępny

Wehelka Muslimka: Qayb ka mid ah Ducooyinka Muhiimka u ah Qofka Muslimka ah waxaa sababay qoriddiisa siyaabahan:

In badan oo dadkeenna ka mid ah, in aanay aqoon ulahayn ducooyinkii Nebigeennu (ﷺ) ina baray;

Qoraalada ducooyinka ah, oo luuqaddeenna ku qoran oo yar;

Waqtiga la joogo oo ah waqti dadku adduunyo mashquul ku yihiin, xusiddii Eebbena ay yaraatay, marka laga reebo in yar oo Eebbe u naxariistay.

Tiiyoo aan ku baraarugsannahay Alle xuskiisa iyo baryadiisu ahmiyadda ay leedahay;

Soo kordhinta kitaab kooban oo xambaarsan ducooyin kooban, qofkuna waqti yar ku dheehan karo;

Anigoo rajaynaya in Eebbaha sare, aniga iyo inta uu kitaabkani gaaraba ku anfaco adduun iyo aakhiro labadaba.

Ducooyinka kitaabkan ku qoran waxaan ka soo xigtay Qur'aanka iyo kutub badan oo kamid ah kuwa xadiiska sida Saxiix al-Bukhaarii, Saxiix Muslim, Sunan Abii Daawuud, Sunan al-Tirmidi, Sunan ibnu Maajah, Sunan al-Nisaa'i.

Haddaba baahi ma ku haysaa? Wax ma kaa maqan yihiin? Alle dan iyo xaajo ma ka leedahay? Muraadkaaga adduun iyo midka aakhiro inuu kuu fulo ma rabtaa? Hadday sidaa tahay, ha yaraysan ducada, ha moogaan baryada Alle, ha illoobin gacmaha oo aad kor utaagto, yuu kaa qaldamin dariiqu; ducayso oo Rabbi uyeero, sacabada uhoorso; isagaa ku oranaya addoonkaygoow ibari, codkaaga aan maqlo, diyaar baan kuu ahaye.